Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo xirtay tababar socday muddo laba bilood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay dhaqashada casriga ah ee digaagga, quudintooda, tallaalkooda, daryeelkooda iyo noocyada kala duwan ee digaagga, gaar ahaan digaagga ukunta iyo kuwa hilibka.
Tababarkan oo ay bixisay TANAAD Poultry and Agro, ayaa waxaa ka faa’iidaystay ku dhowaad 100 qof, oo ay ku jiraan dhalinyaro, ganacsato, iskaashatooyin iyo dadka ku hawlan ama danaynaya wax-soo-saarka digaagga.
Intii uu tababarku socday, TANAAD waxay si aragti iyo ficil (practical) ah u soo bandhigtay hababka casriga ah ee loo dhaqdo digaagga, oo ay ka mid yihiin quudinta, tallaalka, maaraynta xannaanada digaagga iyo ka hortagga cudurrada.
Ugu dambayn, Dr. Aden Xuseen Derow oo ah agaasimaha Waaxda Wax-soo-saarka iyo Horumarinta Cilmi-baarista ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka, isagoo shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii ka faa’iidaysatay tababarka labada bilood socday, kuna dhiirrigeliyay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen uga faa’iidaystaan horumarinta wax-soo-saarka digaagga iyo abuurista fursado dhaqaale oo waara.











