Waaxda Horumarinta Wax soo saarka Xoolaha & Cilmi-Baarista

Waajibaadka Waaxda Horumarinta Wax Soo saarka Xoolaha iyo Cilmi-Baarista: –

  • Diyaarinta barnaamijyo sare loogu qaadayo Wax-soosaark Xoolaha iyo Untooda
  • Diyaarinta xerooyin bandhig xoolaad oo lagu soo gudbinayo tusaaleynta sare u qaadida wax-soosaarka xoolaha
  • Sameynta xarun dhexe ee diyaarinta iyo keydinta hidaha Xoolaha Iyo fidintooda
  • Hirgalinta xarumaha dhalan roga iyo gacan ku rimiska xoolaha,
  • Fulinta barnaamijyo lagu horumarinayo sarena loogu qaadiyo aqoonta soo saaridda, kobcinta iyo keydinta calafka xoolaha;
  • Diyaarinta deegaan ku haboon dhaqaale ahaan hababka soosaarista nafaqada/ cunta/ calafka xoolaha;
  • Asaasida iyo hormarinta habab casri ah oo lagu aruurinayo xogaha calafka xoolaha iyo Hirgalinta xarumaha Naaxinta xoolaha
  • Samaynta siyaasadaha, sharciyadda, halbeegada iyo qorshaynta qorshayaasha lagu hormarinyo xoolaha iyo untoodaa;
  • Diyaarinta habka iyo deegaanada ku haboon ee wax soosaarka dhaqaale ee caanaha iyo hilibka dalka oo dhan;
  • Hirgalinta farsamo iyo aqoon lagu hormariyanyo wax-soo saarka caanaha iyo hilibka laguna tababarayo xoolalayda iyo xarumaha xoolaha lagu dhaqo ee gaarka loo leeyahy;
  • Hirgalinta iyo hormarinta kaabayaasha xarumaha hilibka digaaga iyo ukunta ee dalka;
  • Dhiirigalinta ururda iyo shaqsiyaadka aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya xoolaha si kor loogu qaado tayada xoolaha iyo waxsoosaarkooda;
  • La socodka isbadalka cimilada ee saamaya xoolaha iyo waxsoosaarkooda
  •  Samaynta xarumo Cilmibaarista xoolaha iyo waxsoosaarkooda;
  •  La socodka iyo hormarinta Qiimaha silsilada waxsoosaarka xoolaha dalka.
  •  Diiwaangalinta ururada iyo shirkadahah ka shaqeeya waxsoosaarka xoolaha;
  •  Samaynta habraacyada kale saarista hidda sidaha kala duwan ee xoolaha dalka;
  •  Dhisida iskaashatooyinka shinida, diyaarinta sharuucda, siyaasadaha iyo habraacyada wax soo saarka shinida;
  • Hubinta agabyada wax soo saarka xoolaha ee dalka ka baxaya ama soo galaya;
  • Soo jeedinta Tabaha iyo siyaasada qaran ee wax-soosaarka xoolaha iyo untood
  • Qorshaynta iyo hirgalinta shaqooyinka waaxda wax-soosaarka Xoolaha & Cilmibaarista
  • Xoojinta wadashaqaynta dalalka aan shaqo wadaaga nahay iyo dalalka aan leenahay xariir Ganacsiga iyo ha’yadaha qaranka ee aan shaqo wadaagta nahay iyo kuwa caalamigaa ee ka shaqeeya wadanka;
  •  Asaaska ha’yada   sharciyenta, nadaaminta tayada adeegyada wax-soosaarka xoolaha (Somalia Livestock Regulatory Inspection Service); {SoLRIS}
  •  Asaaska macadka Qaran ee cilmi barista Xoolaha soomaliyeed (Somalia National Livestock Research Institute)
  • Samaynta Systemka xogta xoolaha iyo suuqyada gudaha dalka (built internal livestock market information system {ILMS})

admin

Writer & Blogger

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department