Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, oo kaashanaysa Hay’adda FAO, ayaa Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Raabiyada,, oo ah cudur fayras ah oo saameeya hab-dhiska neerfaha Dadka iyo Xoolahaba, kuna faafa qaniinyada ama xagashada xayawaanka qaba cudurka.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ku simaha Agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, agaasime waaxeedyada Wasaaradda,, Jaamacadaha iyo uruurada ka shaqeeya xoolaha, waxaana diiradda lagu saaray halista cudurka Raabiyada, qaabka looga hortagi karo iyo sida ay muhiim u tahay in sare loo qaado fahamka bulshada iyo dadaallada lagu ciribtirayo cudurka.
Munaasabad oo lagu soo bandhigay soo jeedino iyo doodo ay ka qeyb galeyn khubaro kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Yaxye Sheekh Cismaan oo ka socday FAO iyo Hormuudka kuliyada Xannaanada Xoolaha Jaamacadda Banaadir Cabdi Cariif Guurre, waxeyna sharaxeen halista cudurka Raabiyada iyo sida looga hortagi karo.
Agaaismaha waaxda Caafimaadka wasaradda Xannaanada Xoolaha Dr Qaasim Cabdi iyo Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha Aadan Xuseen Deerow, ayaa xusay in cudurka Raabiyada oo saameeya maskaxda iyo neerfayaasha uu halis ku yahay dadka iyo xayawaankaba loona baahanyahay In la iska kaashado sidii loo cirib tiri lahaa.
Ku simaha agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, ahna agaasimaha maamulka iyo maaliyadda Dr Cabdishakuur Cali Cilmi, oo soo xiray munaasabadda, ayaa xusay ineey ku howlanyihiin sameynta istaraatiijiyado kala duwan oo looga hortagayo Raabiyada oo ah cudur halisa oo saameeya dadka iyo Xoolahaba.









































