Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFS oo Muqdisho ku qabatay kulankii ugu horreeyay ee Steering Committee ee Somalia Livestock Master Plan (SLMP)

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, 20-ka Agoosto 2026, magaalada Muqdisho ku qabatay kulankii ugu horreeyay ee Steering Committee ee Somalia Livestock Master Plan (SLMP).
Kulanka waxaa guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Mudane Dr. Guled Abdijalil, waxaana ka qeyb galay wakiillo ka socday wasaaradaha dowladda, hay’adaha iyo ururrada gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya Sector-ka xoolaha, iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda, oo ay ka mid yihiin FAO, WFP iyo IFAD.
Qorshaha Somalia Livestock Master Plan (SLMP) waa qorshe istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo sektor-ka xoolaha Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo wax-soo-saarka, adkeysiga, tayeynta adeegyada xoolaha, suuq-geynta, kobcinta fursadaha dhaqaale iyo horumar waara.
Qorshahan waxaa diyaarinaysa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, iyadoo kaashaneysa International Livestock Research Institute (ILRI) iyo bahwadaagta kale ee horumarinta.
Kulankan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhisidda qorshe mideysan oo lagu gaarsiinayo sektor-ka xoolaha Soomaaliya horumar waara, wax-soo-saar sare iyo adkeysi, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta dowladda, hay’adaha horumarinta, cilmi-baarista iyo qaybta gaarka loo leeyahay.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department