Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Dr. Guled Abdijalil, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabadda daahfurka Mashruuca Sanduuqa U-diyaargarowga Aafooyinka (Somalia Pandemic Fund Project).
Mashruucan waxaa si wadajir ah u fulinaya Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa xoojinta la socodka iyo ka hortagga cudurrada, horumarinta adeegyada iyo awoodda shaybaarrada, xoojinta nidaamyada digniinta hore ee khataraha, iyo in si wadajir ah looga jawaabo cudurrada isaga gudba dadka iyo xoolaha.







