Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Guled Abdijalil, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan muhiim ah oo looga hadlayo horumarka hirgelinta Mashruuca BREFONS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Guled Abdijalil, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan muhiim ah oo looga hadlayo horumarka hirgelinta Mashruuca BREFONS iyo goobaha laga fulinayo mashruuca.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta guud ee halka uu marayo hirgelinta mashruuca, waxyaabihii laga soo ogaaday booqashooyinkii goobaha laga fulinayo mashruuca, iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto.
Waxaa kasoo qeyb galay wakiillo ka socdey Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Hay’adda Save the Children (SCI), iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee JFS.
Agaasimaha Guud, Mudane Dr. Guled Abdijalil, ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha shaqo ee mashruuca, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo waxqabadyada loo dejiyey mashruuca ay ku qabsoomaan waqtigooda, isla markaana bulshada loogu gaarsiiyo natiijooyin wax-ku-ool ah.
Kulankan ayaa muhiim u ah xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda, AfDB, Save the Children iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso, iyadoo ujeeddadu tahay in la dardargeliyo hirgelinta mashruuca, lana hubiyo in howlaha ka socda goobaha mashruuca ay si wanaagsan u socdaan.
Kulanka ayaa sidoo kale qeyb ka ah howlaha kormeerka iyo qiimeynta socda, iyadoo la filayo in talooyinka iyo qodobada muhiimka ah ee ka soo baxa doodaha kulanka ay gacan ka geystaan horumarinta iyo dardargelinta fulinta Mashruuca BREFONS.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department