Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo soo gebagebeysay Wadatashiga Qaybta Gaarka loo leeyahay
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gebagebeysay wadatashi saddex maalmood socday, kaas oo loo qabtay qaybta gaarka loo leeyahay ee ka shaqeysa sektor-ka xoolaha ee magaalada Muqdisho. Wadatashigan ayaa qeyb ka ahaa diyaarinta Qorshaha Horumarinta Sektor-ka Xoolaha Soomaaliya (S-LMP).
Waxaa wadatashiga ka qeyb galay wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee ganacsatada iyo shirkadaha ka shaqeeya sektor-ka xoolaha, iyo bahwadaagta farsamo ee ILRI iyo ELITE. Intii uu socday wadatashigu, waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo ku saabsan caqabadaha jira, fursadaha horumarineed iyo sidii loo xoojin lahaa doorka qaybta gaarka loo leeyahay.
Wasaaraddu waxay xoojinaysaa wadatashiyada ay la yeelanayso dhammaan dhinacyada muhiimka u ah sektor-ka xoolaha, si S-LMP uu u noqdo qorshe loo dhan yahay, waaqici ah oo horseeda sektor xoolaad Soomaaliyeed oo adkeysi leh, wax-soo-saar badan, waara, isla markaana gacan ka geysta kobaca dhaqaalaha dalka.















