Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa ka qayb gashay Madasha Maalgashiga Xoolaha iyo Beeraha ee Geeska Afrika (East African HiH Investment Forum), oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda FAO.
Intii uu socday shirka, ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan) ee Qaybta iyo Xoolaha, Sidoo kale, waxaa Madasha lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee mudnaan gaar ah leh, kuwaas oo kala ah: Caanaha, Calafka Xoolaha. Ujeeddada waxay ahayd in la helo maalgelin iyo iskaashi ganacsi oo awood u siinaya xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed inay kordhiyaan wax-soo-saarkooda, horumariyaan tayada badeecooyinkooda, helaan suuqyo gudaha, gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa waxay si joogto ah uga shaqaynaysaa soo jiidashada maalgelinta gudaha iyo dibadda ee wax-soo-saarka xoolaha iyo taageeridda xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed. Maalgashigan ayaa muhiim u ah kordhinta dhoofinta xoolaha, wax-soo-saarka iyo farsamaynta caanaha, wax-soo-saarka calafka xoolaha, iyo guud ahaan kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha.



