Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, oo kaashanaysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo qalab ganacsi ku wareejisay

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, oo kaashanaysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo qalab ganacsi ku wareejisay 60 haween ah oo ka ganacsada caanaha. Qalabka waxaa u isugu jiray qaboojiyeyaal ku shaqeeya tamarta qorraxda iyo agabka lagu kaydiyo caanaha.
Taageeradan waxaa guud ahaan la gaarsiin doonaa ilaa 1,000 haween ganacsato ah oo ku kala sugan gobollada dalka, si loo yareeyo khasaaraha caanaha, loo ilaaliyo bedqabka iyo tayadooda, loona xoojiyo dakhliga maalinlaha ah ee ganacsatada yaryar ee silsilada caanaha.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department