Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, oo kaashanaysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo qalab ganacsi ku wareejisay 60 haween ah oo ka ganacsada caanaha. Qalabka waxaa u isugu jiray qaboojiyeyaal ku shaqeeya tamarta qorraxda iyo agabka lagu kaydiyo caanaha.














