Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa maanta Muqdisho ku qabatay munaasabad si rasmi ah loogu daahfurayay Sannadka Caalamiga ah ee Dhul-Daaqsimeedka iyo Xoolo-dhaqatada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Guuleed Cabdi Jaliil, ayaa si rasmi ah u daahfuray sannadkan loo asteeyay horumarinta dhul-daaqsimeedka iyo xoolo-dhaqatada, isagoo xusay in wasaaraddu ay ka go’an tahay taageeridda iyo horumarinta bulshada xoolo-dhaqatada.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday dowlad-goboleedyada dalka, hay’adaha FAO, CARE International , World Vision, Shaqadoon, iyo sidoo kale agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.
Daahfurkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Daaqa ee wasaaradda ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista wacyiga ku saabsan ilaalinta dhulka daaqa, horumarinta xoolo-dhaqatada, iyo sare u qaadidda wax-soo-saarkooda.
















