Wasiirka Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen OO daahfuray Mashruuca Dardargelinta u Adkeysiga Cimilada ee Hab-nololeedka Xoolaleyda iyo Beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen ayaa maanta daahfuray Mashruuca Dardargelinta u Adkeysiga Cimilada ee Hab-nololeedka Xoolaleyda iyo Beeraleyda Soomaaliyeed.
Daahfurka waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye , Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada mudane Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Maxamed Cabdullahi Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ,Agaasime Waaxeedyada iyo wakiilo ka kala socday Bangiga Horrumarinta Afrika, hay’adaha UN ka sida WFP, UNOPS, FAO iyo marti sharaf kale.
Mashruucan waxaa lagu xoojinaaya laqabsiga isbeddelka cimilada iyo adkaysiga kaabayaasha waxsoosaarka dalka, waxaana u si gaar ah u taageeraya qoysaska xoolaleyda iyo beeralayda Soomaaliyeed oo ay saameeyeen aafooyinka abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday. Barnaamijkan wuxuu sidoo kale qayb ka yahay Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo aan ku hiigsanaayo horumar blusho, koboc dhaqaale, iyo nolol wanaagsan.
DHAMAAD
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department