Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Guuleed Cabdijalill Cali ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
Intii uu kulanku socday waxaa si qoto dheer looga wada hadlay ajendayaal muhiim ah oo ay ugu horreeyaan dardar galinta howlaha Wasaaradda, dhameystirka Qorshaha Wasaaradda ee sanadka 2026, kaas oo si buuxda ula jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka, iyo sidoo kale kor u qaadista hufnaanta shaqo, tayeynta waxqabadka, iyo xoojinta isla xisaabtanka howlwadeennada Wasaaradda.










