Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo Daaqa DFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka wadatashiga ee maalinta caalamiga ah ee Daaqa iyo xoolo dhaqatada waxaana Kulankaan soo qaban qaabisay waaxda daaqa ee Wasaaradda. Waxaa kasoo qeyb galay Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, FAO, iyo private sector la shaqeeyaa Wasaaradda.
Shirka waxaa si Rasmi ah u furey agaasimaha guud ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo Daaqa Mudane Dr Maxamed Saney Dalmar isagoo ku nuuxnuuxsaday ahmiyada ay leedahay maalinta caalamiga ee dhul daaqsimeedka iyo xoolo dhaqatada.







