Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo kulan miro dhal ah la qaatay Madaxa WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo uu weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda ayaa kulan miro dhal ah oo ujeedadiisu aheyd dardargelinta dedaalada xal loogu raadinayo xaaladaha abaaraha dalka jira gaar ahaan dadka xoola dhaqatada iyo xoojinta arimaha farsamo ee la xiriira kocinta shaqooyinka horumarinta waxsoosaarka kheyraadka xoolaha la qaatay wafdi ka socday Hayadda WFP oo hogaaminayey madaxa Hayadda ee Soomaaliya.
Madaxa WFP oo ah masuul sare oo hada loosoo magacaabay hogaaminta barnaamijyada WFP ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta WFP ay la leedahay Wasaaradda. Labada dhinaca ayaa aad isula fiiriyay xaaladda cunada dalka hada ka jirta iyo sii laba laabidda faragelinada hada la awoodo ayadoo la isla eegay marxaladaha adag ee ku geedaaman arimaha gar gaar iyo midda horumarineed.
WFP iyo Wasaaradda ayaa igu dambeyn hoosta ka xariiqay in si dhow la isaga kaashado xoojinta arimaha farsamo ee lagu dhalinkaro fursado dheeri ah ee maalgelinta arimaha horumarinta waxsoosaarka xoolaha.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department