Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan ganacsiga silsiladda qiimaha calafka

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan ganacsiga silsiladda qiimaha calafka iyo ka-qaybgalka ganacsatada.
Aqoon-is-weydaarsigan oo laba maalmood soconaya ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Maxamed Saneey Dalmar. Waxaa ka soo qayb galay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland, agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaarada, ganacsato, khubaro, wakiillo ka socday hay’adda FAO, iyo marti sharaf kale.
Ujeeddada aqoon-is-weydaarsigan ayaa ah in la xoojiyo fahamka ku saabsan silsiladda qiimaha calafka, fursadaha ganacsi ee jira, iyo doorka ganacsatadu ku leeyihiin horumarinta tayada iyo helitaanka calaf ku filan xoolaha dalka.
Intii uu socday aqoon-is-weydaarsiga, ka-qaybgalayaasha ayaa lagu soo bandhigay casharro iyo dood-wadaag ku saabsan caqabadaha ka jira ganacsiga calafka, sida helitaanka agabka, tayada wax-soo-saarka, suuq-geynta, iyo saamaynta isbeddelka cimilada. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay sida loo horumarin karo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Maxamed Saneey Dalmar, ayaa ka hadlay ahmiyada horumarinta silsiladda qiimaha calafka ay si kobciyo wax-soo-saarka xoolaha, kor u qaadidda dakhliga ganacsatada, iyo sugnaanta cunnada xoolaha, taas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department