Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa JFS, oo wacdaro ka dhigtay shirka Isbeddelka Cimilada COP30 ee Belém, Brazil

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa JFS, oo ka qeybgaleysa shirka Isbeddelka Cimilada COP30 ee Belém, Brazil ayaa maanta si weyn u qeyb qaadatey dood ku saabsan doorka warbaahinta ee wacyigelinta isbeddelka cimilada, gaar ahaan saameynta ay ku leedahay sektarrada xoolaha iyo beeraha.
Dooddu waxay diiradda saartay sida warbaahintu uga caawin karto xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda fahamka iyo la-qabsiga saameynta isbedelka cimilada iyo sidii kor loogu qaadi wacyigelinta.
Waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta&Daaqa.
DHAMAAD
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department