Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee JFS oo ka qaybgalay shirka isbeddelka cimilada ee COP30 ee dalka Brazil

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee JFS ayaa ka qaybgalaysa shirka isbeddelka cimilada ee COP30 oo ka dhacaya magaalada Belém ee dalka Brazil.
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Siyaasadda iyo Cilmibaarista, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan, oo maanta ka qaybgalay shir-doceed lagu qabtay Xarunta Bangiga Horumarinta Islaamka diiraddana lagu saaray saamaynta ay isbeddelka cimilada ku yeelatay xoolaha iyo beeraha ayaa ka qaybgalayaasha warbixin faahfaahsan ka siiyay xogta xaalada hadda jirta, caqabadaha soo kordhay, iyo sidoo kale fursadaha maalgashi ee ka jira sektarka xoolaha iyo Beeraha.
DHAMAAD
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department