Wasiir Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Mudane Xasan Elaay oo xilka ukala wareejiyay Agaasimaha cusub ee wasaarada Mudane DG Maxamed Saneey Dalmar iyo Agaasimihii hore Mudane DG Maxamed Cumar Nuur, munaasabadaaan oo ka dhacday theater ka wasaarada ayaa kasoo qeyb galeen marti sharaf , Agaasimayasha wasaarada iyo shaqaalaha Wasaaradda.
inta ay socotay xil wareejinta ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay waxqabadka wasaarada laga soo bilaabo xiliga uu kuso biiray wasaarada DG Maxamed Cumar ilaa maanta waxaana xil wareejinta labada Agaasime usameeyay Wasiir Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Mudane Xasan Elaay.
isku soo wada duuboo DG cusub ee wasaaradda Mudane Maxamed Saneey ayaa horay uga DG uga so ahaa wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha halka DG Maxamed Cumar loo bedelay Wasaarada Gaashaandhiga kadib isku shaandeyn kaso baxday xafiiska Raiisul wasaare Xamze Cabdi Bare.
ugu dambeyn Wasiir Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Mudane Xasan Elaay ayaa shahaado sharaf gudoon siiyay DG Maxamed Cumar kaasoo ku muteystay howl karnimo iyo dowlad wanaaga.