Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhirta Adduunka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhirta Adduunka
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa maanta Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta caalamiga ah ee Dhirta Aduunka oo ah hindise caalami ah oo Dunida oo dhan laga xusayo tan iyo 2013 iyadoo u jeedkuna yahay in dalalka lagu dhiirigeliyo inay sameeyaan dadaallo maxalli ah, kuwo qaran iyo kuwo caalami ah si ay Uga hortagaan jarista dhirta islamarkaana diirada u saaraan olole balaaran oo dhir beerisa si loola dagaalamo saameynta isbeddelka cimilada loogana jortago qataraha nabaad-guurka.
Munaasabadda oo ay ka qeyb galeyn qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta&Daaqa , xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo qubaro ku xeeldheer arrimaha Dhirta.
Masuuliyiinta ayaa tilmaamay In ayada oo laga duulaya qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaaran ay Toban kun oo geed u qeybin doonaan qaar kamida degmooyinka gobolka Banaadir
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department