Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Maxamed (Elaay) oo Kormeer Ku Sameeyay Xarunta Sheybaarada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

05-Nofeembar-2024- Muqdisho, Soomaaliya –
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay),ayaa maanta kormeer ku sameeyay xarunta sheybaarada loogu talagalay diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, gaar ahaan sheybaarka Xoolaha iyo Beeraha oo u kuurgalay shaqooyinka halkaas ka socda.
Wasiir Eeley oo gudaha xaruntan kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegey in Kormeerkan qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo in qorshaha isbeddelka qaranka uu noqdo mid hufan oo bulshadu ka faa’iideysato, howl-wadeenada Wasaaraddaha ka socdana lagu dhiiro geliyo shaqada ay hayaan, waxa uuna ammaan gaar ah ujeediyey Sheybaarka Xoolaha iyo Beeraha shaqada ka socota.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department