Muqdisho, Arbaco, 06 November, 2024:
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta furey shirka isku xirka suuqa abuurka calafka xoolaha Soomaaliya.
Mashruucaan ayaa kor uqaadaya sidoo kalena dhiirgelinaya iskaashatooyinka iyo shirkadaha ka shaqeeya waxsoo saarka calafka xoolaha muhiimad gaar ahna siinaya sidii suuqyo loogu heli lahaa waxsoo saarka xoolaha.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegey in Dowlada marwalba ay garab taagan tahay cid walba oo wax ka qabaneysa arrimaha xoolaha, ayna diyaariyeen siyaasad istaraatiijideed oo lagu maalgelinayo horumarinta calafka Xoolaha, shirkana muhiim uyahay kobaca ka ganacsiga Xoolaha.
Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo marti sharaf kale ayaa sidoo kale shirka kasoo qeyb galay.
DHAMMAAD