Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir K/Xigeenka Wasaaradda XXDh&D Mudane Adan Moallin ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Afrika ee

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir K/Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Mudane Adan Moallin ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Afrika ee horumarinta Beeraha, Xoolaha, Miyiga, Biyaha iyo Isbedelka Cimilada.
Shirka oo soconayay maalmaha 23 – 25 Oktoobar 2024 ayaa diiradda lagu saaray Dhibaatooyoinka Isbedleka cimilada ay u geystaan beeraha, Xoolaha iyo Biyaha.
Waxaana lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha, Xoolaha iyo Biyaha ee Qaaradda iyo Yareynta dhibaatooyinka Isbedelka cimilada ku heyso Afrika.
Wasiir K/xigeenka ayaa halkaasi ka jeediyey khudbaddii kaga aadaneyd wuxuuna carabka ku dhuftay sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay IStartiijiyadda.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department