Wasiirka Wasaaradda XXDh&D XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska kaga qeyb galay Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Xoolaha Aduunka oo

Paris -26-May -2024
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska kaga qeyb galay Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Xoolaha Aduunka oo ka dhacay Paris.
Shirkan oo ah kii 91aad islamarkaana kusoo aadey 100 sano jirka guurada Hay’adda ayaa lagu gorfeeyey sidii loo tayeyn lahaa Caafimaadka Xoolaha ee halbeegyada la xiriira badqabka cuntada laga helo xoolaha.
Sanadkan shirku waxaa uu xooga saaraaya heerarka tayada ee ka faa’ideysiga waxsoo saarka Xoolaha kuwaaso mudnaan tayo u lahaa Dalka Soomaaliyeed. Madaxda ka qeeb gashay oo kala socday dhamaan qaaradaha aduunka ayaa isku raacey muhiimada ay aduunka ugu jirto kobaca caafimaadka xoolaha oo hadii aa laga shaqeyn dhaawaceysa caafimaadka guud ee bulshada, ganacsiga iyo dhaqaalaha qooysaska.
#Danqaran
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department