Wasiirka Wasaaradda XXDH&D XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta soo xirey shir wadatashi oo 4tii maalmood ee lasoo dhaafey ka socdey

Muqdisho -30-April -2024
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta soo xirey shir wadatashi oo 4tii maalmood ee lasoo dhaafey ka socdey magaalada Muqdisho kaas oo looga arinsanayey labada hindise sharciyeed ee baarista ilaalinta hilibka iyo caanaha oo ay soo agaasintey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS.
Intii uu shirkan socdey waxaa si qotodheer looga hadlay dulmarna lagu sameeyey tallooyinkii ka soo baxay 4tii maalin uu socday shirka iyo dib u qoridda labada sharci kadibna loo gudbiyo Golaha Wasiirada iyo Barlamaanka Federaalka.
#Danqaran
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department