Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre mar uu maanta daahfurayay Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la casriyeyo nidaamka loo tabco xoolaha si loo horumariyo waxsoorsaarka xoolaha Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday barnaamijka ololaha tallaalka iyo daawaynta xoolaha oo haatan dalka oo dhan ka socda. Ololaha waxa wazaarada ka taageeraya barnaamijka S_FSRP ee Bangiga Aduunka.