Muqdisho – Munaasabada Xuska Maalinta Dhirbeerista Qaranka – April 17, 2023
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa maanta Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhir Beerista Qaranka. Munaasabadan ayaa sanadkiiba mar la xusaa maalinta todobo iyo tobnaad ee bisha April, iyadoo ay ku beegan tahay billowga xilliga Gu’ga. Maalintan waxay leedahay ahmiyad weyn waxayna qayb ka tahay Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran ee uu horey u daahfuray madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda oo ay ka qeyb galeyn Wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo agaasima waaxeedyada iyo marti sharaf kala duwan ayaa lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda ee hirgelinta yoolka xukuumadda dan qaran ee ah in sanadkan gudihiisa dalka oo dhan laga beero Hal Miyan oo geed sida uu xusay Agaasimaha waaxda Dhirta iyo Daaqa ee Wasaaradda Dr Xaashi Cismaan Maxamed
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Maxamed Cumar Nuur ayaa xusay in dhirta oo muhiim u ah noolaha loo baahanyahay in beeristeeda la joogteeyo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Aadan Maxamed Cali ayaa sheegay inay xukuumaddu ahmiyad gooniya siineyso dhirbeerista wuxuuna dhinaca kale digniin u diray dadka sida micno darada ah u jara dhirta.
Ugu dambeyn Masuuliyiinta ayaa kormeer ku tagay beerta kobcinta dhirta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo ay gudaheeda ku beereyn Geedo cusub.