Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Xasan Xuseen (Eelay) ayaa magaaalada Rabat kaga qeyb galaya kalfafhigii 33aad ee shir Gobolleedka FAO ee Afrika (ARC33)

Abriil 19, 2024, Rabat, Morocco:
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qaybgalaya Shir Gobolleedka FAO ee Afrika (ARC33) kalfadhiga 33aad (18 ilaa 20 April) oo ku saabsan Mustaqbalka Nidaamyada Beeraha iyo Cuntada Qaaradda Afrika kaas oo ay martigelisay Boqortooyada Morocco.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaraya baahida loo qabo in si degdeg ah wax looga beddelo nidaamyada beeraha iyo cuntada si ay u noqdaan kuwo waara, waxtar iyo adkaysi leh, loona dhan yahay si loo daboolo baahiyaha dadweynaha oo tiradoodu sii kordhaysa, wax ka qabashada caqabadaha ka dhasha isbedelka cimilada iyo sidii loo soo afjari laha gaajada iyo nafaqo-xumada.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department