Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed ayaa magaalada Muqdisho maanta ku daahfurey mashruuca La Qabsiga Isbedelka cimillada

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed ayaa magaalada Muqdisho maanta ku daahfurey mashruuca La Qabsiga Isbedelka cimillada oo loogu talogalay in sare loo qaado u diyaargarowga iyo adkeysiga bulshooyinka u jilicsan cimilada sida beeralayda, xoolo dhaqatada iyo barakacayaasha ku nool marinka reer guuraaga gaar ahaan gobollada u nugul colaadaha.

Mashruuca oo ay maalgelisay hey’adda DANIDA waxaa u diiradda saaraya laba ujeedo:

(1) Dib-u-habaynta iyo soo celinta kaabayaasha muhiimka ah ee hareeraha waddooyinka sida ilaha biyaha, deegaan daaqsimeedka, iyo kaydka calafka xoolaha.

(2) Hirgelinta nidaamka ifafaalaha cimilada iyo ka digista qataraha oo loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha xoolo-dhaqatada dhanka xogta, taasoo u sahlaysa inay go’aanno xog ogaal ah ka gaaraan dhaqdhaqaaqooda.

Wasiir Hassan oo mashruuca ku tilmaamay mid waqtigi la rabay kusoo aaday ayaa sheegay in nidaamka ifafaalaha cimilada iyo digniinta qataraha ay lagama marmaan u yihiin in la gaaro u adkeysiga cimilada.

Ugu dambayn, wasiirka waxa uu u mahadceliyey deeq-bixiya mashruuca iyo hay’adaha ku guulaystay fulintiisa wuxuuna ku baaqay in la dardargeliyo howlaha hortabinta leh si loo badbaadiyo nafta iyo maalka bulshooyinka xoola-dhaqatada ah ee nugul isbedelka cimilada.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department