Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo Qaabilay Wefdi ka Socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) ee Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaayey Mudane Etienne Peterschmitt oo ah Agaasimaha Xafiiska FAO ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga wanagsan ee ka dhaxeeya wasaaradda iyo hey’adda FAO. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo xiriirka islamarkana la dardargeliyo mashaaricda horutebinta u leh horumarinta xoolaha, dhirta iyo daaqa.