Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS, Mudane Hassan Hussein Mohamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daafuray shirwaynaha 2-aad ee Caafimaadka Midaysan ee Soomaaliya (SOHC2024).

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS, Mudane Hassan Hussein Mohamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daafuray shirwaynaha 2-aad ee Caafimaadka Midaysan ee Soomaaliya (SOHC2024).

Wasiirka oo hoosta ka xariiqay xiriirka ka dhexeeya caafimaadka dadka, duunyada iyo deegaanka ayaa ku baaqay in dedaal mideysan looga hortago cudurrada faafa.

“Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa bishii Maaj ee sanadkii 2019 meelmarisay Qorshaha Istaraatiijiyadda Caafimaadka Midaysan ee Soomaaliya iyadoo kaashanaysa Wasaarada Caafimaadka. Tan iyo markaas, waxaan wax weyn ka qabanay ilaalinta, la socodka iyo ka hortagga cudurrada xoolaha. Waxaan sidoo kale hadda gacanta ku heynaa hindisayaal iyo howlo kale oo lagu dar-dar-gelinayo Qorshaha Istaraatiijiyadda Caafimaadka Midaysan ee dalka,” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, Mudane Wasiir Hassan ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qeyb-galayaasha shirwaynaha 2-aad ee Caafimaadka Midaysan, gaar ahaan Xaruunta Caafimaadka Midaysan ee Soomaaliya ee Jaamacadda Abrar oo soo abaabushay iyo cid kasta oo isku hawshay hirgelinta shirwaynahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department