Muqdisho-21-Feb-2024
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) iyo Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyay kulan wadatashi ah oo labada Wasaaradood iyo Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ee heer maamul-gobolleed ay maanta ku yeesheen magaalada Mogadishu.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga wasaaradaha, si loo dardar-geliyo hir-gelinta mashruuca U Adkaysiga Hanaanka Cunnada ee Soomaaliya (S-FSRP).
Wasiir Hassan ayaa rajo weyn ka muujiyay filashada laga qabo in mashruuca S-FSRP u wax weyn ka-beddeli doono wax-soo-saarka xoolaha iyo beeraha ee dalka. Wuxuu ku booriyay dhammaan hogaannada wasaaradaha kulanka ka qeybgalay inay ka wada-shaqeyaan sidii dalka u heli lahaa habab ku haboon wax-soo-saar oo leh adkeysi waara.
Ugu dambeyn, Wasiir Hassan ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyay maalgelinta iyo taageerada farsamo ee mashruuca S-FSRP. Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay madaxda mashruuca iyo masuuliyiinta wasaaradaha xoolaha iyo beeraha inay si wadajir ah u dedejiyaan hirgalinta mashruuca.