Nairobi-Kenya-09-Feb-2024
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa magaaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeyb galay daahfurka mashruuca Adkeysiga Cuntada & Calafka Xoolaha Africa Oo ay ka faa’iseysan doonaan 6 dal oo ay Soomaaliyana ka mid tahay
Mashruucaan ayaa u gogol xaaraya dib-u-habeyn muhiim ah oo lagu sameeyo qaybta quudinta iyo calafka xoolaha ee wadamada Gobolka, Munaasabad kooban oo ka dhacdey Nairobi oo lagu daahfurayey mashruucaan waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah Wasiirada Xanaanada Xoolaha Gobolka oo uu kamid yahay Wasiir martida loo yahay ee Dalka Kenya Mithika Linturi, Saaxiibada Caalamiga ah iyo marti sharaf kale.