Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta Iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Xasan Xuseen (Eelay) Madaxweynaha Jubaland Mudane H.E Ahmed Islaam ayaa ka qeyb galay munaasbaad lagu wareejinayay qalab loogu tala-galay in looga faa’iidaysto wax soo saarka calafka xoolaha

Kismaayo-29-Nov-2023

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta Iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha juballand Mohamed Nuur Cali (Nuuraani) ayaa ka qeyb galay munaasbaad lagu wareejinayay qalab loogu tala-galay in looga faa’iidaysto wax soo saarka calafka xoolaha, kaas oo wax weyn ka tari doono horumarinta iyo helidda calaf ku filan xoolaha deegaanka.Mashruucan oo lagu magacaabo RAAISE PROJECT oo ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adda FAO iyo Waasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XfS ayaa xoogga saaraysa sare u qaadista Wax soo saarka Dalka ee ILED (Inclusive Locol Economic Development), waxaana looga golleeyahay in xoolaha ku nool guud ahaan soomaaliya ay helaan daaq ku filan, maadaama ay saameyn ku yeelatay dhulkii daaqa ku haboonaa isbeddelka cimillada adduunka.

Madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Iyo Wasiir Hassan oo munaasabada ka hadlay waxa ay sheegeen in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta wax soo saarka dalka ee dalagyada noocyada kala duwan leh, iyagoo Wasaaradda Xannaada xoolaha Jubaland kula dardaarmey in qalabkan looga faa’iidaysto soo saaridda calaf ku filan xilliyada jiilaalka xoolaha ku dhaqan deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department