Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtey Mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika

Muqdisho-23-Dec-2023

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtey Mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.

Mashruucaan oo ay si wadajir ah u Daahfureen Reysal wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Salax Axmed Jamac iyo wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed ayaa waxaa goob joog ahaa sidoo kale wasiiradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa dowlad gobaleedyada dalka iyo marti sharaf kale.

Mashruucaan oo uu maalgalinayo Banka horumarinta Africa ayaa xooga saari doona hormarinta kaabayaashii uu dalka lahaa gaar ahaan xanaanada xoolaha sida goobihii Caafimaadka xoolaha, seerooyinkii, biyo xireenadii, warihii xoolaha ka cabi jireen iyo si guud ilaalinta badqabka xoolaha nool.

Barnaamijkaan adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya ayaa si guud u gaari doona gobalada dalka kaasoo ay ka faa’iideysan doonaa dhammaan xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department