Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Agaasime Mohamed Omar ayaa maanta magaalada muqdisho ka furey Shirka ansaxinta hagayasha caymiska xoolaha

Muqdisho -20-Sep-2023

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Agaasime Mohamed Omar ayaa maanta magaalada muqdisho ka furey Shirka ansaxinta hagayasha caymiska xoolaha islamarkaana lagu tafaftirayo hagayasha cayimska xoolaha.

Kulanka ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS iyadoona uu soconayo labo maalmood waxaana loo qabanayo Ha’addaha ka shaqeeya Caymiska, iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda xanaanada xoolaha.

Shirkaan oo lagu baran doono wacyigalinta ceymiska Xoolaha ayaa ujeedkiisu yahay dhiiro gelinta nidaamka Caymiska Xoolaha oo ah barnaamij loogu talo galay in reer miyiga waxtar uyeesho marka ay abaarta jirto.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department