Dhusamareb-18-Sep-2023
Magaalada Dhuusamareb ee caasimada Dowlada Galmudug waxaa lagu daahfurey mashruuc horumarineed oo ay iska kaashanayaan wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo beeraha dowlada federaalka kaas oo looga faa’ideynayo dadyowga reer Galmudug.
Furitaanka Mashruucan u adkeysiga nidaamka cuntada soomaaliyeed oo uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed ayaa looga hadlayey Ujeedada mashruuca oo ahaa sidii shacabka reer Galmudug loo gaarsiin lahaa islamarkaana ay kaga faaideysan lahaayeen waxaa faah-faahin ka bxiyey wasiirka wasaarada xanaanaad xoolaha dhirta iyo daaqa DFS mudane xasan xuseen max’ed (Eelaay).
Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo beeraha dowlada federaalka iyo kuwa dowlada Galmudug ayaa ku howlan sidii wax badan looga qaban lahaa dhibaatooyinka salka ku haayo dhinacyada nolosha iyo xoolaha.