Roma-26-Sep-2023
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Federaalka Soomaaliya Wasiir Xasan Xuseen (Eelay) ayaa Magaalada Roma ee Caasimada Dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir caalami ah oo looga hadlaya arrimaha xalka waara ee Xoolaha.
Shirkaan oo socon doona 25 September ilaa 27ka kaas ay soo qaban qaabisey Hay’adda Cunada iyo Beeraha FOA.
Shirkaan ayaa looga hadli doonaa wax ka qabashada caqabadaha arrimaha xoolaha iyo waxsoo-saarkooda.