Muqdisho-14-Aug-2023
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Xasan Xuseen (Eelay) ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirka wacyigalinta ceymiska Xoolaha oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada, Dhirta iyo Daaqa XFS.Shirka oo ay ujeedkiisu tahay dhiiro gelinta nidaamka Caymiska Xoolaha oo ah barnaamij loogu talo galay in reer miyiga waxtar uyeesho marka ay abaarta jirto.
Wasiir Hassan Hussein Mohamed oo furitaankii shirkan ka hadlay ayaa sheegey in mashruucaan Ceymiska Xoolaha uu muhiim u yahay Xoolo dhaqatada ayna tahay in ay ka faaiideystaan si ay uga gaashaantaan abaaraha soo noq noqda