Nairobi-24-July-2023
Wasiirada Wasaaraddaha xanaanada Xoolaha ee Gobolka, ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeyb galay daahfurka Mashruuc kor loogu qaadayo waxsoo Saarka Xoolaha.
Mashruucaan oo ay ka faa’ideysan doonaan wadamada Gobolka,gaar ahaan sedexda dal ee Somaliya, Kenya iyo itoobiya ayaa xoola-dhaqatada dalalkan ka saacidi doona iskaashiga iyo kordhinta waxsoo-saarka Xoolaha.
Daahfurka waxaa goob joog ahaa qaar kamid ah saaxiibada Beesha caalamka ee dalalkan, gaar ahaan Safiirka dowlada Switzerland, wakiilo ka socdey Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha xoolaha iyo marti sharaf kale.
DHAMMAAD.