Muqdisho-22-july-2023:
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Xasan Xuseen (Eelay) ayaa maanta furay Shirka isu duwidda Howlaha horumarinta wax soo saarka Xoolaha ee mashruuca RAAISE.
Shirka isu duwidda Howlaha horumarinta wax soo saarka Xoolaha ee mashruuca RAAISE oo muddo laba maalin socon doona waxaa goob joog ka ah Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dowlad Goboleedya Dalka iyo dowlada federaalka ayaa looga hadli doonaa Warbixin Guud oo ku saabsan mashruuca RAAISE sida Howlaha la fuliyay ee guuleystay iyo kuwa hada qorsheysan ee u baahan in la dardargaliyo, xalinta hadii ay jiraan caqabado iyo xoojinta wada shaqeynta howlwadeenada mashruuca ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.