Muqdisho -09-May-2023.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo Daaqa XFS ayaa labo neef oo geel ah gaarsiisey Ciidamada sugaya Amniga Muqdisho iyo guud ahaan Gobolka Banaadir.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo Daaqa DFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) oo ka jawaabaya go’aankii golaha wasiirada XFS ee todobaadkii la soo dhaafay iyo soo jeedintii wasaaradda Amniga Gudaha ee ahaa ka qeybqaadashada dhiiragalinta ciidamada ayaa ku wareejiyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga gudaha Wasiir Mohamed Cali xaggaa labo neef geel ah oo ay Wasaaradda kaga qeyb qaadaneyso olalaha dhiira gelinta Ciidamada.
Wasiir Eelay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay boggadinayaan dadaalada ciidamada qalabka sida noocyadooda kala duwan, waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyey ciidamada Booliska oo ku guulaystay amniga caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir
DHAMMAAD.