Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS Wasiir Xasan Xuseen (Eelay) ayaa maanta booqasho ku tagay Dekeda Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ka socdaan dhismaha Xafiisyada Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta booqasho ku tagay Dekeda Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ka socdaan dhismaha Xafiisyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhir iyo Daaqa XFS ay ku yeelan doonto dekeda.

Wasiirka ayaa howlwadeenada ku howlan dhismaha xafiisyadan kala sheekeystey halka ay wax umarayaan iyo howsha ay soo qabteen mudadii ay dhismahan ku guda jireen.Wasaaradda Xanaanada Xanaanada Xoolaha XFS ayaa dhawaan Dekadda Muqdisho ka bilowdey xafiisyo Wasaaradda ay ku yeelan doonto halkaas oo isugu jira sheybaarka Xoolaha, shahaado bixinta, xafiisyada Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo ee Dekadda.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department