Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga

Muqdisho, Juun 13, 2023:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Munaasabad ay soo agaasintey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo Daaqa XFS ayaa maanta ka qabsoontey Magaalada Muqdisho taas oo qeyb ka aheyd daahfurka dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed, Ra’iisal Wasaaraha Dalka, Safiirka dowlada Sacuudiga ujooga dalkeena, Xildhibaano Wasiiro, iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa daaahfurka Munaasabadan.

Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Federaalka Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa sheegey in dadaal dheer oo ay sameeyeen kaddib in Dowladda Sacuudigu ay u oggolaatey suuqyada dalkeeda in laga dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, ayna soo dhoweynayaan ka xukuumad ahaan.

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Mudane Hamza Abdi Barre oo munaasabada ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, dhirta iyo daaqa.

Gebegabadii Munaasabada Wasiir Hassan Hussein Mohamed ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Shirkada Somali Meat Company.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department