Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha Soomaaliya mudane Xasan Xuseen (Eelay) ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu daah-furay siyaasadda ilaalinta daryeelka bulshada dan-yarta ah.

“Muqdisho 11, March, 2023—Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama oo wehlinaaya Waziirka Wazaarada xanaanada xoolaha XFS Mudane Xasan Xuseen ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda daah-furka Siyaasadda Ilaalinta Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed ee dan-yarta ah, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda ay warbixintani u leedahay ilaalinta bulshada nugul ee u baahan garab istaagga, gaar ahaan dhinacyada beeraha iyo wax soo saarka gudaha, si loo yareeyo saboolnimada.

Waziirka Wazaarada xanaanada xoolaha XFS Mudane Xasan Xuseen ayaa bogaadin sida Bulshada soomaaliyeed gaar ahaan danyarta ay u anfici doonto siyaasadaan looga hortagaayo cuni yarida hada heysta.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay warbixinta Siyaasaddan oo daaha ka qaadaysa hannaankii looga hor tagi lahaa cunto yari soo wajahda dalka iyo sidii loo hormarin lahaa kaabayaasha dhaqaale

.–DHAMMAAD-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department