Waxaa lasoo gabagabeeyey Shirkii wadatashiga Wasiirada Xannnada Xoolaha DfS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federalka oo kasoconayey 30 November ilaa 05 December 2022 Magaalada Garoowe

SHIRKA WADATASHIGA WASAARADDA XANNAANADA XOOLAHA, DHIRTA IYO DAAQA EE DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO WASAARADAHA XANNAANADA XOOLAHA, DHIRTA IYO DAAQA EE DOWLADAHA XUBNAHA KA AH DFS.

WAR-MURTIYEED

HORDHAC

Wasiirka Wasaaradda X/Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Xuseen Maxamed ayaa shir guddoomiyey shirka Wadatashiga Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFS iyo Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladaha Xubnaha ka ah DFS kaas oo lagu qabtay magaalada Garoowe 30 Nov – 05 Dec, 2022.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe); Jubbaland, Mudane Maxamed Nuur Cali; Galmudug, Mudane Maxamed Cabdi Maxamed; Hirshabbeelle, Mudane Maxamed Maxamuud Goodir; iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda X/Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Koonfur-galbeed, Mudane Yuusuf Aaden Gurdaale.

Shirka Wadatashiga Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFS iyo Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ayaa looga hadlay arrimaha hortebinta u leh horumarinta xoolaha Soomaaliya, xal u helidda abaaraha soo noq-noqday oo saameyn ku yeeshay xoolo-dhaqatada iyo xoojinta wadashaqaynta iyo isku xirnaanta Wasaaradda X/ Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFS iyo Wasaaradaha X/ Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladaha Xubnaha ka ah.

Qodobada kasoo baxay shirka:

Muddadii uu shirku socday waxaa la is dhaafsaday aragtiyo wax ku ool ah, ugudammeyna waxa la isku raacay qodobada soo socda:

1. Ugu horreyn shirku wuxuu uga mahadcelinayaa Dowladda Puntland martigelintii shirka iyo soo dhoweyntii qiimaha lahayd. Sida oo kale shirku waxa uu mahad gaar ah u celinayaa Wasiirka Wasaaradda X/ Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa DFS Mudane Xassan Xuseen Maxamed doorkiisa hoggaamineed ee hirgelinta shirka.

2. Shirku waxa uu soo jeedinayaa kordhinta, abuuridda iyo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo lagaga hortagayo abaaraha soo noq-noqda laguna yareynayo saameynta abaaraha ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

3. In kor loo qaado wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan ilaalinta dhirta iyo daaqa iyadoo lagu dhiirrigelinayo beerista dhirta iyo isticmaalka gaaska.

4. Shirku waxa uu dhiirrigelinayaa iyada oo la iskaashanayo in si dhow looga wada shaqeeyo horumarinta caafimaadka, wax-soosarka, daaqa iyo dhoofka xoolaha si kor loogu qaado sugnaanshaha cuntada iyo suuq geyntoodaba.

5. Shirku waxa uu isku raacay in la joogteeyo kulamada wadatashiga ah ee Wasaaradda X/Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFS iyo Wasaaradaha X/ Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladaha Xubnaha ka ah.

6. Shirku wuxu u mahadcelinayaa bah-wadaagta Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo saaxiibada beesha caalamka.

GAROOWE – PUNTLAND, SOOMAALIYA.

DHAMMAAD

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department