Wasiirka Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussien Mohamed ayaa booqasho ku tagay xarumaha wasaaradda xannaanada xoolaha iyo xafiisyada ku shaqada leh dhoofka xoolaha ee Magaalada Boosaaso.

#Boosaaso Wasiirka Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussien Mohamed ay wehelinaayaan Wasiirada Xannaanada Xoolaha Dowladaha xubnaha ka ah DF ayaa booqasho ku tagay xarumaha wasaaradda xannaanada xoolaha iyo xafiisyada ku shaqada leh dhoofka xoolaha ee Magaalada Boosaaso. Ugu horayn wax ay Wasiirada tageen xafiiska maamulka Maxjarada Boosaaso.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa booqday Dekedda Magaalada Bosaaso sidoo kalana kulan la qaatay Maamulka Dakada Boosaaso.

Wasiirka Wasaradda Xannaanda xoolaha DPL Mudane Maxamed Libaaxe oo weftiga ka siiyey xog dhoofka Xoolaha Puntland ee dekedda Boosaaso oo ka mid ah Dakadaha laga dhoofiyo xoolaha Soomaaliya.

Intaa ka dib Weftiga Wasiirada waxa ay tageen Maxjarada iyaga oo la kulmay maamulka iyo hawl wadeenada Maxjarada Mas’uuliyiinta waxay soo arkeen qaybaha maxjarada iyo xoolaha ku jira hadda iyo qeybaha shaybarka.

Ugu danbayn Wasiirka iyo wafdigiisa waxa ay kulan qado ah la qateen ganacsatada xoolaha Puntland e ku sugan Boosaso iyaga oo iska waraystay iftiimiyeyna caqabada jira, sida suuqyo cusub loogu heli lahaa xoolaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department