Waxaa Garoowe si rasmi ah u furmay shirka Wadatashiga Wasiirada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee DFS iyo Dowladaha Xubanaha ka ah Federaalka

#Garowe:

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Wadatashiga Wasiirada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee DFS iyo Dowladaha Xubanaha ka ah Federaalka ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Shirka oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed ayaa Muddada uu socdo looga wada hadli doona wax ka qabadka caafimaadka Xoolaheena, U adkaysiga Xoolaha ee abaaraha soo laalaabtay iyo sidii looga faa’idaysan lahaa xoolaheena.

Ugu danbayn dhammaan Wasiirada Waxa ay hoosta ka xariiqeen in uu shirkan ka soo baxo xal waara sidii loogu heli lahaa Abaaraha soo noqnoqda iyo sidii loo badbaadin lahaa xoolaheena loogana faa’idaysan lahaa.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department