#Boosaaso: Waxaa si wayn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso Wafti balaaran uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed oo ay qayb ka yihiin Wasiirka Wasaaraddaha Xannaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Masuuliyiinta Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka oo Puntand u jooga shirka wada tashiga Wasiirada Wasaaraddaha Xannaanada Xoolaha ayaa safar shaqo ku joogi doona Gobolka Bari.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Hassan Hussein Mohamed ayaa uga mahadnaqay Maamulka Gobolka bari kan Degmada Boosaaso iyo dadwaynaha soodhawaynta quruxda badan u sameeyey weftiga Wasiirada.