Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa mudane dr Saleebaan Cali Xuseen ayaa Dalka Cumaan kaga qayb galay shirweyne looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa bakteeriyadda il ma aragtada ah ee adkaysiga u leh daawooyinka kuwaas oo dhibaato kuhaya xoolaha nool iyo dadkaba

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuummada Federaalka Soomaliya mudane dr Saleebaan Cali Xuseen ayaa Dalka Cumaan kaga qayb galay shirweyne heer sare ah oo looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa bakteeriyadda il ma aragtada ah ee adkaysiga u leh daawooyinka kuwaas oo dhibaato kuhaya xoolaha nool iyo dadkaba.

Shirkan oo mudo labo maalmood ah ka socon doona Magaalada Muscat ee Dalka Cumaan ayaa waxaa isugu yimid Wasiiro ka socda wadamada caalamka iyo hay’addo caalami ah oo kala duwan, Soomaaliya waxaa shirkan ku matalaya wufuud ka kala socota Wasaaraddaha Xanaanadda Xoollaha iyo Caafimaadka.

Shirka oo maanta bilowday ayaa wuxuu socon doonaa mudo labo maalmood ah waxaana la rajaynayaa inay kasoo baxaan talooyin muhiim u ah wax ka qabashada il ma aragtada u adkaysata dawooyinka oo dhib weyn ku haysa caafimaadka adduunka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department